Dadka reer Oregon waxay u baahanyihiin macaamil wanaagsan. aynu badbaadino nafaf.

Aftida 110

Oregon waxay ku jirtaa kaalinta ugu dambeysa ee dhammaan gobollada helitaanka daaweynta asaasiga ah ee maandooriyeyaasha. Mid ka mid 11-kii qof ee ku nool Oregon wuxuu qabatimay maandooriyeyaasha, hal ilaa laba qof ayaa maalintii u dhimata isticmaalka maandooriyaha, mararka qaar taas waxa ay dhacdaa ayagoo sugaaya in ay helaan daaweyn.Tani xiisad qalalaase ka jirta gobolkeena.

Dhanka kale, sharciyadayada daroogada ee hadda jira waxay burburin karaan nolosha iyagoo ku saleysan hal qalad. Haysashada xadi yar oo ka mid daroogada waxay qofka ku hoggaamin kartaa in uu xabsi u galo taasoo saamayn ba’an ku yeelanaysaa mustaqbalka qofkaasi taasoo ka hortagi karta in qofkaasi shaqo hello, guri laga kireeyo ama loo diidi in loo oggolaado in uu hello Credit Card. Habka aan hadda u wajahno ka hortagga daroogada ayaa ah hanaan sii kala fogaynaayo qoysaska, laakin helitaanka daaweynta ayaa qoysaska ka dhigi karta kuwa awood leh.

Aftidan maahan mid sharci ka dhigaysa wax daroogo ah.taas badaelkeeda waxa ay meesha ka saaraysaa in dambi weyn laga dhigo haysashada xadi yar oo ka mid ah daroogada, waxayna dadka ku xeraysaa sidii ay ku helli lahaayeen daaweyn iyo adeegyada soo kabashada. iyadoo la adeegsanaayo lacagaha laga hello canshuurta Marijuan-ha ee jira, aftidan 110 ayaa si weyn u ballaarin doonta helitaanka daaweynta daroogada iyo adeegyada soo kabashada ee gobolka oo dhan. Qof kasta oo raba daaweyn wuu heli karaa, ma aha oo keliya kuwa haysta lacagta ama qorshaha “xaqa” caymiska.

Ayiday

Aynu badbaadino nafaf, oo yaynaan burburin

Dadka la ildaran qabatinka waxay u baahan yihiin caawimaad, ee ma aha ciqaab dembi. Tallaabadani waxay abuuri doontaa bini'aadanimo, hab caafimaad ku saleysan oo wax looga qabto qabatinka maandooriyaha. Dadku mar dambe lama qabsan doono oo xabsi lama dhigi doono si fudud haysashada daroogo yar. Taabadalkeed, waxay ku xirnaan doonaan daaweynta saxda ah ama adeegyada soo kabashada, oo ay kujirto kaalmada guriyeynta, si looga caawiyo iyaga inay noloshooda dib ugu soo ceshadaan.

Dadnimo bina aadamnimo, hab wax ku ool ah oo nafta badbaadin doona - iyo lacag

Waxay ku kacaysaa ku dhawaad $30,000 in la qabto, la maxkamadeeyo oo la xiro qof haysashada daroogada fudud. Kaliya waxay ku kacdaa $10,000 oo keliya in lagu bixiyo daweynta daroogada dadka iyaga raba. Tallaabadan ayaa wax ka beddeli doonta qaabkeenna: halkii aan ku qaban lahayn oo xirno dadka daroogada, waxaan u isticmaali lahayn dakhliga canshuurta marijuana si aan ugu bixinno adeegyada daaweynta balwadda. Waxay badbaadin doontaa lacag waxayna badbaadin doontaa nafo.

Wax badan ka ogow

Xirfadlayaasha iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa taageeraya aftida 110

Wax badan ka ogow

maku taabatay adiga ama qof aad jeceshahay dhibaatada qabatinka daroogooyinka ee ka jirta gobolka Oregon?

Codkaaga ku biiri

Daryeel daawo dheeraad ah, Oregon xasiloon.Fadlan ku soo biir ololaha.

Top